Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Cadaado kula kulmay Xildhibaano iyo Dhalinyarada ay isku beesha yihiin.
Kulankaan ayaa looga arrinsaday doorka dhallinyarada kaga aadan wacyigalinta bulshada iyo siddii loo xakameyn lahaa qatarta cudurka faafa ee COVID-19 oo fara ba’an ku haya bulshada magaalada Cadaado.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa dhallinyarada ku dhiiro galiyay inay kaalintooda ka ciyaaraan hanaanka dowlad wanaagga iyo dhismaha Galmudug.
Leave a Reply