Dhawaan bay ahayd markii dad qaba Cudurka CoronaVirus ugu dhinteen Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale taas oo keentay in qaylo dhaan loo diro Dowlada Federaalak Soomaaliya.
Dowlada Soomaliya ayaa waxay gurmad caafimaad usoo dirtay Degmooyinka caabudwaaq iyo Balanbale waxayna Diyaaradii waday ka dajisay Magaalada Dhuusamareeb madaana dhismo ku socdo Garoonka diyaaradaha Caabduwaaq.
Maamulka iyo madaxda Galmudug ayaa waxay dhuusamareeb ku reebteen 3 sadex Machine oo ah kuwa Oxgen oo loo waday Caabudwaaq iyo Balanbal waxaana ka shifay Guduoomiyihii Degmada Caabduwaaq oo sheegay Qalabkii Wasaarada caafimaadka u soo dirtay inuu kala dhiman yahay Gaarigii wadayna Dhuusamareeb lagala dagay.
Maamulka Galmudug oo Dafiray inay la hareen 3 Machine ayaa hada qirtay kadib markii ay badatay qaylo dhaanta ka imaanaysa Bulshada iyo Siyaasiyiinta Balanbale iyo caabudwaaq.
Leave a Reply