Sawiro:Fiqi oo Galmudug 91kii dib ugu celinaya

fiqiwww.gedotimes.com

Wasiirka Amniga Maamulka goboledka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Magaalada Galinsoor ee gobolka Galgaduud isugu geeyey gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad kii saarnaa si Tobabar loogu furo.

Fiqi oo uu waheliyo Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Mudane Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa Booqday Xerada tababarka Dhaan-Karrooni ee Maleeshiyaadka lagu xareeyay waxayna u sheegen waxii hada ka dambeeya inay noqonayaan daraawiishta Galmudug.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaan-karroone ee Magaalada Galinsoor.

Fiqi ayaa horay Maleeshiyaad Beeleed Tobabar uga Furay Duleedka koonfurta Gaalkacyo.

Qaar kamida Saraakiisha Ciidamada Dowlada ku sugan Galmudug ayaa Dhaliilay qaabka Wasiirka Amniga Galmudug wax kuwado, waxayna sheegeen inay haboonayd Maleshiyaadka Galmudug in hal meel Tobabar loogu furo si loo helo Ciidamo isku dhafan oo ka kala yimid Deegaanada Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.