Wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug Burhaan Ismaaciil Xirsi, uuna kamid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga C/fitaax Cagayare, Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka DGG iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Deegaanada Waqooyiga Galgaduud Ayaa maanta kormeeray Xeradii Gaaskii 11, Guutada 63 Xaasleey Ee Duleedka Dagmada Dhabad oo haatan loo diyaarinayo in lagu xareeyo maleeshiyo beeleedyada ka qeybta noqonaya Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee wasaarada Amnigu haatan diyaarinayso.
Leave a Reply