Wefdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, oo socdaalka Nabadda, Dib-U-heshiisinta iyo Maamul daadejinta ku maraya deeggaanno ka tirsan Gobolka Mudug ayaa soo gaaray Deegaanka Xero-dhagaxleey ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha oo goob fagaaro ah kula hadlay dadka deegaanka, ayaa ka mahad celiyey soo dhaweynta diiran ee la soo sameeyay, Waxaa uuna u ballanqaaday dadka deegaanka in ay helayaan adeegyada asaasiga ah ee ay baahanyihiin sida biyo nadiif ah iyo waxbarasho.
Uga danbeyntii madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida dadka deegaanku ugu heellanyihiin tacabka iyo wax soo saarka isla markaana kula dardaarmay inay xil iska saaraan daryeelka deegaanka iyo ka hortaga xaalufinta dhirta.
Bulshada Galmudug ayaa dalaga Beeraha kasoo daabushay Koonfurta Soomaliya waxayna ku guulaysteen inay Beero samaystaan ayagoo aan lahayn wabiyo.
Leave a Reply