Si caadi ah wali xaqiiqda jirto ee Xildhibaanadayda Saagal ugama hadlin kaliya waxaan diirada saari jiray dhaliilaha guud ee matalaada kursiga waa macquul qofkasta oo aan xog ogaal ahayn marka uu dhuuxo qoraalkayga in uu ogaan doono shaqsiyada heer gacal iyo mida insaanimo halka ay ka joogto Sagal waliba iyada oo ku fadhido kursigeyga kiina iyo keeda.
Waxaan ahaa wariye ka howlgali jiray Kismaayo dhacdooyin mugdi ah iyo dhibaatooyin aan kaga badnaa wariyaasha deegaanka ayaa si shaqsiyan ah kooxo hubaysan iyo maamulkii Kismaayo iigu gaysteen xag Alle ayaan ka noolaaday balse ma jirin ku talagal ahaa inaan sii noolaado, hase ahaatee alle ayaa qadaray waliba jareexooyin igu yaalay dartood ma awoodin dhaqdhaqaaq waxaana u baahnaa dabiib iyo daawo, ma soo koobi karo murugadii mudnayd la qaybsiga,
Anigu ma filayn mana jecleyn inaan dhaafo kismaayo walina kuma fakarin howlo shaqo maahane inaan muqdisho aado balse duruufta iyo xiliga oo adkaa si jajuub nafsiyeedcarar ah ayaan kadis safarkaygu u noqday Muqdisho xiligaasi majirin mana ogayn cid iiga horeysay Caasimadii Muqdisho waxanse qalbiga maaweelo uga dhigay inaan leeyahay xildhibaanad imatasho waliba xubin muhiim ah ka ahayd Gudiga xaquuqal insaanka ee Barlaamka, waxaa si aan ku talagal ahayn u ogaysiiyey Walalkay Ex Wariye Abdulkadir Jiijiile Hadana ah Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee doolow inaan jajuub uga soo tagay Kismaayo, isago qudhiisa ayaa ahaa gacan ku gabad dhibaatooyin maamulku u gaystay uga maqnaa kismayo.
16kii bishii March 2018 maalin jimce ah ayaa waxaan soo gaaray Muqdsho garoonka Diyaaradaha waxaa igu soo dhaweeyey Abdulqadir jiijiile oo ah shaqsiga sida gaarka garabka walalnimo ii muujiyey waxaan ku dagay isla halkii uu daganaa maalmo aan dareemayey xanuunka dhaawacyo maleeshiyo wax magarato ii gaysteen waxaan wacay lana xiriiray Xildhibaanadaydii Sagal ee aan ku maaweelin jiray naftayda waxaan u sheegey xaalka aan ku jiro iyo dhibka igaaray simiicada taleefoonka ayaa ii furnayd been masheegayo waxaa ila joogay Jiijiile oo aad iila danqaday qaybna ka ahaa daryeelkaygii caafimaad, jawaabtii ugu horey ee xildhibaanadaydii Golaha shacabka ii matashay ayaa ahayd waxba igama galin dhibaatada ku haysato mana doonayo inaad culeys isaarto! waxaan iri kursiga aniga ayaad igu matashaa maanta xaqayga inaad raadiso waa sababta aad ii matasho’ waxay isugu kay dartay aflagaado aan loo meel dayin iyo ku digasho dhibkii igaaray, telkana way igu jartay.
Waxaan helay garab Saxafiyiin Somaliyed kuwaas oo aan abaal kaga hayo doorkii ay ka gaysteen soo kabashadeyda mahadbalaaran u jeedinayo, halka iyadu nafsad ahaan ku dalxiistay xaqaaga xaqeena xaqeeda adiga anita ayaan ay sugayeen soo.dhicinta.xaquuqdii naga dhacaysay, Waxaan isku qanciyey inaysan ahayn dhaqankaasi mid ii gaar ah lkn ay ila qabaan dhamaan inta ay ku matasho kursiga mana go’aansan inaan la wadaago cid Halka ay iga istaagtay Xildhibaanadaydii iyadoo aysan jirin wax cadaawad iyo xumaan igala dhaxaysay aniguna markii aan waayey xaquuqdii kursigayga waxay kaliftay inaan cadaalad darro uga hayaamo dalkayga.
Qoraalkaan waa xaqiiq mana jirto cid aan ka hibaysanayo bandhiga runta ah waxaanse usheegayaa kuwa safka la ah Sagal ee Qarinayo Xumaanteeda inaysan la socon shaqsiyada dhabta ah ee walasheen qofna aysan kaxigin booska ay joogto ee lawada leeyahay lagulana xisaabtamayo sida ay xilka bulsho ku tagrifalka ugu sameysay Aduun iyo Aakhiraba
Qoraalkii saabir iyo xaqiiqdii Xildhibaanadaydii
Leave a Reply