Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda.
Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda.
Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka lugta hore ee loo badalay ciidamada bada ayaa waday dagaal ay kaga sifaynayaan Shabaab Deegaano kamida Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay kamid yihiin Jilib Marka, Dhanaane iyo Gedershe.
Leave a Reply