Wasiirka waraafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda fedeeraalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada todobaadka xorriyadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in munaasabadihii lagu weyneynayay sanadguurada 60-aad ee markii aan qaadanay xorriyadda oo caawa bilaabaneysa ay dowladdu u bedeshay in mashaariic hormarineed ee laga fulinayo guud ahaan dalka maadaama wali lagu jiro xaaladii la dagaalanka cudurka safmarka ee covid-19.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegey in micnahu uusan aheyn inaan la dabaal degeynin hase ahaatee laga rabo qof kasto oo muwaadin ah inuu muujiyo farxada iyo weyneynta todobaadkaan maadaama aytahay midnimada ummaadda Soomaaliya.
“Qof kasto waxaa laga rabaa inuu calanka ku xirto albaabka hoygiisa si loo weyneeyo qiimaha ay leeyihiin maalmahaan waxaana laga rabaa sidoo kale inay ka shaqeeyaa midnimada ummaadda Soomaaliyeed ee loo soo huray naf iyo maalba,dowladduna waxa ay fureysaa mashaariicyo farabadan”Ayuu yiri wasiir maareeye.
Leave a Reply