Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor-dhaweyd Safar shaqo ugu amba baxay dalka Qatar.
Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlddda.
Soomaaliya iyo Qadar ayaa leh Xirir dhaw kaas oo ka bilwday qilaafkii dalalka Khaliijka, dowlada qadar ayaa Soomaliya ugu deeqday Mashaariic ay ku baxayaan Dhaqaalo aad u tira badan kuwaas oo ay kamid yihiin Jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho.
Leave a Reply