Waxgaradka Gobolka Galgaduud ayaa sheegay , in ay soo dhawaynayaan Heshiiskii laba geesoodka ahaa ee Magaaladda JigJiga ku dhaxmaray Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ismaamulka Somaalida Eithopia
Nabadoon Maxamud Carab ayaa sheegay in Heshiiskaas ay wada gaareen labada dhinac ay keeni karto in dib degaanadooda ay ugu laabtaan Qoysas badan oo ka soo cararay goobo weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Liyuu Booliska Eithopia
Heshiiskan ayaa yimid markii Magaaladda Jig Jiga uu gaaray Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Guuleed si loo soo afjaro dagaal xiriir ahaa oo ka socday degaanada ku dhow sohdinta ay wadagaan Soomaalia Iyo Eithopia.
Waxaa uu sheegay inuu ku baaqayo in laga dhabeeyo heshiiskaasi si loo gaaro nabad iyo xasilooni.
Nabadoonkani ayaa codsaday in aysan dib u soo laaban mar dambe dagaalladii ka dhacay deegaanka Dacdheer oo gallaaftay nolosha dadka shacabka ahi.
Leave a Reply