Akhriso:Talooyin loo Jeediyey Madaxda Dowlada Soomaliyeed

axmedismacil

Eng Axmed Ismaaciil horayna u ahaa Xildhibaan ayaa waxuu markale Warqad Qoraala u qoray Madaxda Soomaliyeed oo uu kaga hadlayo arimo badan oo ay mid yihiin Doorashooyinka Dalka, Dastuurka, Maamul Goleedyada, covid19 iyo in Madawyanayaashiii hore Xasan Shiiq iyo Shiiq Shariif Waqti loogu daray Xiligii doorashada Dowlada hada jirta loo baahan yahay in waqti wax lagu haajiyo loogu daro.

warbixintaas oo dhamaystiran hoos ka aqriso Fadlan:-

ENG. AXMED ISMAACIIL

Telephon. +252615424610

E mail samatar109@gmail.com

WARQAD FURAN (2AAD)                        05/07/20

Ku. Madaxweynaha DFS. Muqdisho.

Ku. Ra’isul wasaaraha DFS Muqdisho.

Ku. Golaha Baarlamaanka Aqalka Hoose.  DFS Muqdisho.

Ku. Golaha Baarlamaanka Aqalka Sare. DFS             Muqdisho.

Ku. Golaha Garsoorka DFS Muqdisho.

Ku. Madaxda Dowlad Goboledyada Dalka soomaaliya.

Ku. Madaxda xisbiyada siyaasadda dalka.

Ku. Duqa Magaalada Muqdisho Muqdisho.

Ku. Odayaasha Dhaqanka soomaaliyeed.

Ku. Culimaa u diinka soomaaliyeed.

Ku. Ururada Bulshada Rayidka ah, Ururuka Haweenka soomaaliyeed.

OG. Xafiiska UN. iyo Daneeyayaasha Arrimaha soomaaliya.

OG. Cidday khusayso.

UJEEDDO. WARBIXIN IYO TALO SOO JEEDIN.

Mudanayaal iyo marwooyin, Anigoo ah Egn Axmed Ismaaciil, ka muwaadin soomaaliyeed xogna ka haya siyaasadda Dalka Soomaaliya waxaan rabaa in aan ummadda Soomaaliyeed lawadaago warbixin iyo Arrimo aan u arkay in ay muhiim yihiin.

Mudanayaa iyo marwooyin madaxda sharafta leh, sidaad la socotaan Arrimaha  Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan burburkii kaddib oo ka soo billaabatay Sannadkii 2000 ilaa maanta oo ah 2020 waxayna isu beddalaysay hannaan kala duwan ilaa laga soo gaaray heer doorasho Dadban sannadkii 2016kii oo Ergo 51 qof ah ay doorteen xil dhibaannadii Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Dadkaas Ergada ah oo tiradoodu dhammayd (14,025) Qof.

Marka laga reebo Golaha Aqalka sare oo ay Doortee Golayaashii wakiillada Dowlad Goboleedyada.

Mudanayaa iyo marwooyin ummadda sharafta badan, mar haddii ay halkaas maraysay xaggee maanta Dalku wajahayaa ama u socdaa?

Waxaan rabaa in aan iftiimiyo waxa sababta u ah jaha wareerka Siyaasadda ee Dalka Soomaaliya, Anigoo sidaan horay idiin ku soo sheegay muddo dheer ka shaqaynayey arrimaha siyaasadda Dalka Soomaaliya. 

Sannadkii 2012 waxaa Dalku yeeshay Dastuur KMG ah ayadoo ujeeddadu ahayd in horay loo socdo inta dalku ka gaarayo Dastuur shacabka Soomaaliyeed ay ansixiyeen, Nasiib wanaag MAXAA DHACAY?. waxaad mooddaa in aan su,aal idin weydiiyey laakiin jawaabtii Ayaan idiin soo gudbinayaa.

Mudanayaal iyo marwooyin, Soomaaliya waxaa haysata dhibaato ay mas uuliyaddeeda ayadu leedahay, khaas ahaan Dowladda hadda xukunka ahaysa maxaayeelay waxay meesha ka saartay hannaankii Dastuuriga ahaa oo ay kammidka yihiin.

  • Dastuurkii KMG ahaa oo ay Nusqabixisay.
  • Dowlad Goboleedyadii Dastuuriga ahaa oo loo baddalay Maamul Goboleed oo micnihiisu yahay in aan la isticmaalin erergii Dastuuriga ahaa oo ku qornaa Dadtuurka KMG ah ee Dowlad Goboleedka ahaa taasoo kucad Qodobbada 51aad 52aad.

Soomaaliya waxay qaadatay hannaanka Federaalka waxaase muuqata in la isdabamariyey Dastuurka Soomaaliya iyo qaabka DFS ay u dhaqmayso oo aad mooddo in ay ka soo minguurisay Dowladda Maraykanka DFS waxay meesha ka saaraysaa hannaankii lagu heshiiyey ee Feraaralka ayadoo usocoto qaabkii Dowlad dhexe ee afka qalaad lagu yiraahdo (CENTRAL GOBERNMENT) waxaana cadday kuugu filan arrimahaan soo socda.

  • Soomaaliya waxaa ka jira (5) shan Dowlad Goboleed iyo soomaaliland oo iskeed usheegatay in ay soomaaliya ka go,day laakiin aan la aqoonsan. Oo dhammaantood ku salaysnaa hannaanka federaalka ah ee Dastuurka KMG ku xusan.
  • Dowlad Goboleedka Puntland waxay ku caddahay Qod. 2aad ee Dastuurka Pundtlan wuxuuna u qoranyahay Dowladda Puntlan.
  • Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay ku caddahay Qod.1aad ee Dastuurka Jubbland wuxuuna u qoran yahay Dowlad Goboleedka Jubbaland ee soomaaliya waxaana u codeysay shacabka soomaaliyeed ee reer Jubbland.
  • Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxay ku caddahay Qod.1aad ee Dastuurka Koonfur Galbeedk waxaana u codeysay Ergo 400 afarboqol oo qof oo reer koonfur galbeed ah.
  • Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya waxayna ku caddahay Dastuurka Hirshabeelle Qodobka.1aad    
  • Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya waxay ku caddahay Dastuurka Galmudug Qodobka.1aad

Anigoo tixraacaya hannaanka dasturiga ah ee aan kor ku soo sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku guul darreysatay in ay wada shaqeyn la yeelato Dowlad Goboleeyada Soomaaliya ayadoo jabixay Qodobka 52aad ee Dastuurka FDS oo sicad u qeexaya wada shaqaynta ka dhaxaysa Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.

Taas oo ay sabab u tahay DFS waxaa majaraha uqabtay dad dhallinyara ah oo aan wax fikir ah kahaysan marxaladihii Dalka Soomaaliya uu soo maray iyo waliba dulqaadasho yari aysan u dulqaadan Karin hadallada bulsha iyo siyaasiinta mucaarka ah ee soomaaliyeed oo dalka xaq iyo xuquuq ku leh.

Sidookale qaarkoodna ay kudhasheen ayadoo Dalka Soomaaliya uu Dagaal sokeeye ka socdo, taas waxay sababtay in maanta dalku uu galo jahawarees siyaasadeed iyo wal wal aan ka qabno in Soomaaliya ay markale U laabato meeshii ay shalay katimid. 

TALO SOO JEEDIN.

Mudanayaal iyo marwooyin waxaan rabaa in aan talo u soo jeediyo Hoggaanka Sare ee Dalka Soomaaliya iyo madaxda siyaasadda ee Dastuuriga ah arrimaha hoos ku xusan.

  1. Hoggaanka DFS waa in ay ku laabaato Dastuurkii lagu doortay oo loo igmaday in ay ilaaliyaan.
  2. Qodobkii 72aa ee Datuurka FS ee qeexayey tirada iyo hannaanka Golaha Aqalka Sare waalajabiyey ummaddana Soomaaliyeedna looma sheegin  waxaana Mas uuliyaddeeda leh Golaha shacabka BFS.
  3. Madaxweynaha DFS iyo Ra, isul wasaaraha Ummadda soomaaliyeed Waa in ay lafariistaan Madaxda Dowlad Goboleeyada in kastoo madaxweynuhu shir ku qabtay khadka isgaarsiinta hadana waxaa dhimman shir kafool kafool ah oo arrimaha murugsan lagu lafaguro, sidookale madaxda xisbiyada siyaasadda waa in laga qanciyaa waxa aytabanayaan.
  4. Waxaa muhiim ah in Hoggaanka Dalku ku baaqo shirweyne Dib U heshiisiin ee dhammaan ummadda Soomaaliyeed looqabto.
  5. Sidaan kor ku soo sheegay DFS waxay ilatahay in aysan ku riyoon in dalkaan ay maamusho Dowlad dhexe oo kalitalis ah oo awooddu gacanta ugu jirto madaxweynaha iyo Ciidammada maxaayeelay taas waxaa lagu baddalay Hannaanka Federaalka iyo Doorasho dadweyne.
  6. Hoggaanka DFS waa in ay suuragaliyaan qaabkii dadka Soomaaliyeed loo tira koobi lahaa si dhabbaha loogu xaaro in lagaaro waqti codku noqdo cod shacab.
  7. Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed waa in ay ku dhiirradaan in ay caddeeyaan in waqtigaan uusan Dalku Doorasho ka dhicikarin Ayagoo sababeynaya.
  8. Mudanayaal waxaan idin xusuusinayaa in madaxweynayaashii hore sida madaxweyne hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweyne hore Xasan Sheikh Maxamuud, loogu daray waqti ay wax ku soo hagaajiyaan, sidaas darteed in MDM Farmaajo iyo MDR Xasan Cali Khayre loogu daro waqti ay wax ku hagaajiyaan wax dhib ah kumajabna waana in ay aqbalaan MD Sheikh Shariif iyo MD Xasan Sheikh maxamuud.
  9. Mudanayaa iyo marwooyin waxaan kutalin lahaa in xoogga lasaaro wacyigelinta bulshada ee ku saabsan Cudurka Caabuqa COVID 19 ilaahay hana dhaafiyo. 
  10. Waxaan ku talinayaa in aan la aqbalin ciddii isku dayda in Soomaaliya ay Dowlad la aan noqoto.

GABA GABADII IYO GUNAANADKII..

Waxaan u mahad celinayaa bulshada soomaaliyeed iyo madaxda ummadda soomaaliyeed intii fikirkaan soo dhaweysay iyo intii aan soo dhaweyn ee ka xumaatay dhammaantiin waxaan idin leeyhay waad mahadsantihiin waxaadna sugi doontaan qormooyin kale.

Mahadsanidin.

D   H    A   M   M   A   A    D

2 Comments

  1. Ninkaan waxa qoray afkii immarates
    Iyo kii cawaga somalia ayuu ku
    Hadlayaa why because 6 dowladood
    Buushagay oo suuhadalka udhigay
    Institution ama sharcigaa dhigaayo
    Umada ushagayaa waxaan sharciga
    Uu kadhigaayo juband government
    Galmug government hiiraan government
    Waxaa cawaga somalia qoray oo rabo
    Inaan silic kunolaano awal 5 bay noqaybiyeen
    Hadana 6 bay noqaybiyeen cadowga umada somaliyeed marka somalia haxorowdo
    Midkan engineering baan aqaanaa
    Leh its not ture waa nin rabo inuu
    Somali kalaqaybiyo asc

  2. Qofku markuu aragtidiisa dhiibto maaha in lagu shaanbadeeyo waa UAE etc. Taas waxaan u arkaa bisayl la’aan iyo caburin lagu cabirunayo dadka qaba feker kaduwan NN.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.