Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isgarabsanayaa ayaa fashiliyey weerar naf-lacaari ah oo Maleeshiyaadka Alshabaab ay kusoo qaadeen Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.
Gudoomiyaha Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay ayaa Warbaahinta Koonfur Galbeed u xaqiijiyey in 5-kamid ah Maleeshiyaadka Alshabaab ay ku dileen, 6-kalena soo gaarey dhaawacyo culus.
Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa Gudaha magaalada kusoo bandhigey Meydadka ay uga dileen Werarka fashilmey ee ay soo qaadeen, waxaana sidoo kale inoo sheegey inay jiraan Tiro kale oo dhimasho ah oo ay la carareen, weerarkaas fashilanna jab xoogan ay kula kulmeen.
Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro fashilmey kusoo qaadey Deegaanka, Ciidamada geesiyiinta xooga Dalka ayaan utaagan iska cabinta Maleeshiyaadka iyo ka badbaadinta umadda dhagartooda.
Leave a Reply