Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ee maanta ka furmi lahaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa u dib dhacay kadib markii Dowlada Soomaaliya ka hadashay qodobkii ugu mahiimsanaa ee ay doonayeen Madaxda Maamul Goboleedyada gaar ahaan Madaxwaynaha Puntland iyo Madaxwaynaha ku meel gaarka ah ee Jubbaland ay doonayeen inay dowlada ku eedeeeyaan.
Dowlada Soomaliya ayaa isku raacday inay Doorashada Soomaaliya waqtigeedii dhacdo qaabkii ay udhici lahaydna ay kala tashadaan Bulshada Soomaliyeed sida waxgaradka, Siyaasyiinta , maamul goboleedyada iyo culumada Soomaliyeed.
Hadalkaan Dowlada ka yimid ayaa mid Dhabar jab ku ah Deni iyo axmed Madoobe waana qodobka ya doonayeen inay Dowlada ku eedeeyaan halka Qodob oo u aharay ayaa ah Maqaanka Gobolka Banaadir.
Maalinimada Sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 11 Luulyo 2020 ayaa la filayaa inuu furmo shirka maamul goboleedyada.
Leave a Reply