adaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug qado sharaf ugu sameeyey madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Dalka.
Kulanka ayaa ahaa mid gogol xaar u ah shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya oo beri si rasmi ah uga furmaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Madaxeynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.Madaxweynaha Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Garee. Iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb waxaana lagu wadaa in shirka madaxda dowlad Goboleedyada uga hadleen siyaasadda dalka ,xaalada kala guurka oo ay ugu horeyso doorashada 2020/2021.
Leave a Reply