Madaxwaynayaasha Hirshabeele iyo Galmudug ayaa waxaa soo food saaray Culays uga imaanaya Deni iyo Axmed Madoobe kaas oo ah inay fuliyaan Dalabka Axmed iyo madoobe, imaaradka iyo inay ku diidaan
Axmed madoobe iyo Deni ayaa waxay doonayaan inay ku qanciyaan maamul goboleedyada dhowr arimood oo kala ah
- Gobolka Banaadir inuusan yeelan karin waxka badan 3 Xubnood madaama yahay Gobol.
- Inaan la aqabalin Xeerarkii Afarta ahaa oo Barlamaanka lahorgeeyey oo Gudoomiyaha Aqalka sare ka horyimid
- Qodobada ay soo bandhigtay Gudoomiyaha Doorashada Madaxa banaan Xaliimo yaray in meesha laga saaro.
- in lasoo cesho Madasha maamul goboleedyada
Madaxwaynayaasha Hirshabeele iyo Galmudug waxaa xaalkooda yahay labo daran mid dooro oo hadii ay aqbalaan dalabka axmed madoobe iyo Deni oo ah inaan la aqbalin 13 Xubnood ee Gobolka Banaadir waxaa wajahayaan kacdoon ka dhana.
Dhanka kale Madaxwaynashaa Galmudug iyo Hirshabeele hadii ay ku gacan sayraan dalabka axmed madoobe iyo Deni waxaa burburaya Shirkii maamul goboleedyada waxaana kasoo baxay warsaxafadeed aan macno ku fadhin.
Leave a Reply