Sawiro:Ugaas Maxamed Kulan laqaatay Bulshada Balanbale

ugaasmaxamed

Ugaaska Beesha sade Ugaas maxamed ugaas Axmed ayaa maanta qado sharaf u sameyey odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Degmada Balanballe.

Kulanka qado sharafta ah ee ugaasku sameyey ayaa ahaa mid looga tashanayay arimaha guud ee deeganka oo ay ogu horeeyaan arimaha amniga, khilaaf bixinta dadka deeganka, Xal u helidda arimaha magta oo marwalba soo laablabtay, fududaynta Guurka iyo Tala soo jeedin la xiririta daadajinta Golaha deeganka.

Amniga.

Ugaas maxamed ugaas axmed ayaa bulshada qiimaha lahayd ee ka soo qayb gashay munaasabadda wuxuu kula dardaarmay xoojinta amniga iyo sidii ay Bulshadu u heli lahayd nabad sal adag oo ay bulshadu ku noolaato. Ugaaska ayaa bulshada u cadeeyey Nabaddu faa’idada ay leedahay wuxuuna kula dardaarmay waxgaradka sidii ay oga shaqayn lahayeen nabadda ayaga oo isku duuban.

Khilaaf bixinta Bulshada.

Khilaafka u dhaxeeya dadka deeeganka oo mudooyinkan danbe soo laalabanayay ayuu ugaasku u istaagay sidii ummadda uu masuulka ka yahay oga saari lahaa.
Ugaaska oo la hadlayay odayaasha iyo waxgaradka ayaa tilmamay in khilaafku yahay kan bulshada ka hor istaaga Hormarka iyo xal u helidda dhibaatoyinka soo laaabtay, wuxuuna cadeeyey in uu dadaal badan ku bixin doona sidii looga gudbi lahaa Khilaafyada hareeyey dadka deeganka.

Arimaha la xariira magta

Arimaha magta oo ah kuwa uu ugaasku sheegay in ay yihiin kuwa sababta u ah soo celinta falalka dilka iyo xal uhelid la’aanta colaadaha soo laab-Laabtay ayuu ugaasku kula dardaarmay in wax badan laga badalo, wuxuuna bulshada kula dardaarmay in magta la siiyo qofka xaqlaha ah.
Sababta soo celcelisa dilalka ayuu ku tilmaamay ugaasku in ay tahay magta oo aan la siin qofkii xaqlaha ahaa, taas oo sababi karta in uu sii socdo dilku maadama aan la qancin qofkii dhaxalkiisa lahaa. Wuxuuna sidoo kale ka digay in magaha la isku tuuro sidii awalba dhici jirtay oo haddi qabiil mag lahaa qof dilaan la dhihi jiray tii la idinku lahaa u qaata taas oo ah asalka dhibaatinka anooyinka qabiilka iyo dilalka.

Fududaynta Guurka

Balanballe waxay ka mid tahay meelaha sharuudaha uu ku xiranyahay Guurku taas oo sababta in uu yaraado guurku, ugaaska oo u kuur galay xaaladahaas ayaa ka dhiidhiyay wuxuuna u soo jeediyay waxgaradka degmada Balanballe in arinkaas wax laga badalo oo guurka laga joojiyo sharuudaha lagu xiray.
Ugaaska ayaa cadeyey in guurka òo dhaqalo lagu xiro ay sababi karto macaasida oo badata.
Ugaaska oo sheegay in uu kulamo la qaadan doono odayaasha guurtida ayaa sheegay in ay go’aan ka soo saari doonan arimaha la xariira
Guurka.

Daadajinka Golaha deeganka Degmada Balanballe.

Ugaaska oo ugu horayn ka cudur-daartay wax yaalaha la xariira siyaadda ayaa sheegay in asaga shaqadiisu tahay dhaqanka, wuxuuna dardaaran iyo Talo soo jeedin ku darsaday dhisitaanka golaha deeganka Degmada Balanballe oo haatan ay u madlanyihiin dhammaan bulshawaynta degmada Balanballe.
Ugaaska ayaa kula dardaarmay waxgaradka in aysan fiirin reer Balanballe xubnaha maamulka golaha deegankan balse ay fiiriyaan faa’idada hormarineed oo uu wato gole deegan oo ay yeelato Balanballe.

Sidoo kale wuxuu ugaasku dardaarankiisii dhinacyada badan taabanayay ku soo gaba gabeyey in la xaliyo dhamaan tabashooyinka ka imaanaya beelaha.

Warbixintii Wariye Bulshaawe Jeyte Cali

balanbal
balanbale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.