Xaggee Soomaalidu u Socotaa Maanta?

calan

Taariikhda Soomaalidu ma dib bay u noqotay koleey horumar kuma sheegi karno sida xaalku hadda yahaye?Aan ka soo bilaabo isticmaarkii caddaa ee na kala qaybsaday ka hor oo aynu ahayn qabaail mararka qaar dagaalo dhex maraan,haddana dhulkii ay ku noolaayeen wada difaacan jirey,waana tan keentay in ay qoomiyado ka tira badan oo kula loolamaayey geeska Afrika iyo xeebta dheer ee labada badood ee isbarkan, waa badda Cas iyo Indiyaan Ocean ay quusiyaan iskuna fidiyaan dhulka balaaran oo maanta Soomaalidu ku nooshahay.

Gaaladii caddaanka ahayd sahal kuma qabsan Soomaaliya 

,meelaha qaar dagaalo bay kala kulmeen sida Koofurta iyo dhanka Jabuuti,meelana dhagar bay ku soo galeen ayyaga oo isku sheegay ganacsato,qaarna heshiis beena bay lagaleen duqoowdii,sida ayyaga oo u noqonaaya difaac ka difaacaaya dadyoowga kale.

Mudadii isticmaarka waxaa samaysmay hab(SYSTEME) oo wada maamulaayey qabaa,iladii ,qaabkaas dawliga ahaa  75 sano baa lagu caana maalay ,soddonkii sano oo aan dawlad ahayna waa noo shaqeeyey, ayyada oo aan dhaqankii iyo xeerkii laga tagayn.laakiin xukuumadu doorka isku keenida iyo amaanka qaadan jirtey,waxaan maanta u noqonay wax aan u garan waayey in saadex kun oo sano aan dib u laabanay iyo maya ee 135  waxa aan dib u laabanay,aan idiin kala qaado ;-

1-tan hore dalka Giriiga ama dawlada Giriiga 3000 sano ka hor qolo qolo baa dadku iskugu duuli jireen dhibaato badan bay is gaarsiiyeen ,magaalaba magaalada kale bay ku duuli jirtey,is adoonsi iyo dil iyo is qabqabsi bay ka bixiwaayeen,waadanbe bay Shireen oo yiraahdeen sidaan laguma jiri karo ee maxaan yeelnaa,waxay ku heshiiyeen in ay samaystaan wax ay ugu yeereen MAGAALOOYINKA DAWLADAHA XORTAA(FREE CITIES STATES).markii ilbaxnimadu timid ee adduunyada indhu u dilaaceen bay sameysteen Dawlada Giriiga ee maanta la yaqaaan,Haddaba dagaaladii sokeeye oo naf iyo maalba ku dhumeen federal kayagu ma  noocaas baa haddii maamul goboleedyadu leeyihiin waxaan u dhaqmeynaa sidii dawlado madax banana,dalkana anagaa xukuna oo cid kale wax laga weydiin mayo?Jawaabta shacbigaa laga rabaa oon u daayey.

2-Tan labaad 135 sano ka hor waxay ku began tahay samankii gumeysigu na qabsaday wixii ka horeeyey beelaha Soomaalida waxaa dhex mari jirey dagaalo iyo shaqaaqooyin,dhibku markii uu bato waxay ku heshiin jireen in ay isu yimaadaan oo nabad lagu badelo colaadaha,qolo kasta waxay soo dirsan jirtey gudi wata ciidan amaankooda sugaya waxaana laysugu imaan jirey meel lagu balamay.Marka aad fiiriso Dhuusamareeb oo dhex dhexaad u noqotay waxa loogu yeeray dawladaha maamul goboleedyada iyo dawlada dhexe qaabkii madaxweyne ku sheegyadu u yimaadeen ayyada oo nin walaaba wato ciidan asaga gaar u ah oo ku haab ah iyo qaabkii qabaa,ilku u shiri jireen 135 sano ka hor,ma idiin muuqataa in aan 135 sano dib u noqonay?Ayyadana jawaabteeda shacbiga baan u dhaafay.

Hadaba ma sidaas baan ku dhawranaa qaran kayaga godka ku sii dhacaya mise waa is daba qabanaa oo qaran dawlad leh baan u wada halganaa? Waa shaqo guri qof kasta aan siiyey(HOME WORK).

Wbilaahi towfiiq, fadlan sheergaree.

Cabdullaahi Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.