Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada

Ilyaas

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay geerid mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo xalay ku dhintay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Xasan Xaaji ayaa waxaa uu tacsi ugu diray Eheladii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sheekh Cabdikariim oo ahaa Wiil dhalinyaro ah kana tirsanaa Wasaaradda Cadaaladda.

“Wasaaradda Cadaaladda waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxay Marxuuma Ilyaas Maxamed Sh Cabdikariim oo kamid ahaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda, wuxuuna ahaaya Shaqsi Allah kusifeeyey akhlaaq iyo howl-karnimo, waxaana Allah uga baryeynaa inuu Naxariistiisa kawaraabiyo, anakana Samir iyo iimaan” ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.