Farmaajo Maxuu kula heshiiyey Axmed Madoobe?

farmaajo

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Jubbaland Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay Khubad ka jeediyay Shirka Madaxda Dowladda iyo dowlad Goboleedyada oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in maalmihii uu Madaxda u socday kulamada gaar gaarka ah ay Arrimo dhowr ah ay kaga wada-hadleen, isla markaana meesha uu ka baxay Khilaafyadii jiray oo xal laga gaaray.

Arimaha ay Madaxwyane Farmaajo iyo Axmed madoobe ku heshiisheen ee aan la shaacin ilaa laga gaaro shirka Dambe ayaa waxaa kamid ah.

  • in lasoo afjaro qilaafkii u dhaxeeyey Madaxda Dowlada iyo Maamulka Jubbaland
  • in Madaxwaynaha Jubbaland axmed maoobe uusan ku meel gaar ahayn mudo xileedkiisana yahay Afar sano sida ku cad Dastuurka Jubbaland qodobkiisa 70aad
  • Maamulka Jubbaland waxuu taageeraaya Qorshaha Barlamaanka Soomaliya iyo Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qof iyo cod ah taasoo oo looga gudbayo doorasho dad ban.
  • Maamulka Jubbaland waxaa Dowlada u fasaxaysaa Dhaqaalo badan oo dowlada horay uga xayirtay.

Hadaba waxaanan la shaacin karin Shirka dambe ee lagu balamay Magaalada Dhuusamareeb waxa kusoo dhamaan doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.