Sawiro:Madaxwaynaha DDS oo daah furay kulan lagu aasaasayo Golaha midnimada iyo nabada

mustaf

Golahan oo loo àasay midaynta iyo nabadaynta bulshada deegaanka soomaalida ayaa ka qayb qaadan doona hawla badan oo ay ugu horeyso amaanka, xalinta khilaafaadka gudaha iyo deegaanada iyo wadamada dariska ah.
Waana gole ka kooban dhamaan qaybaha bulshada sida culimo awdiinka, aqoon yahanka, odeyaasha dhaqanka, baarlamaanka deegaanka iyo haweenka.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo kulankan furay ayaa ka hadlay muhiimada golaha midnimada iyo nabada loogu baahday inuu yeesho deegaanka soomaalidu

Kadib daah furka kulanka, xubnaha golahan cusub ee midnimada iyo nabada deegaanka ayaa ka dooday qaabka uu goluhu ushaqayn doono iyo hababka loo wajahayo barnaamijyada golaha loo aas aasayo

Golahan nabada iyo midnimada oo ay ku dhan yihiin dhamaan hormuudka bulshada ayaa door ku yeelan doona sidii looga saari lahaa qoqobka iyo kala qaybsanaanta hoose ee ka jirta gudaha
danaha iyo aayaha mustaqbalka deegaanka oo lagu jiheeyo tub u horsèeda bulshada mustaqbal nololeed oo ku dhisan isjacayl iyo walaalnimo Iyo danta guud oo noqota mid qof waliba si lexejeclo leh u ilaaliyo xilna isaga saaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.