Soomaaliya Ma Dhimoqaraadi Baa Mise Waa Fowdo (DEMOCRACY OR ANARCHY)

mahdi

Waa su’aal mudan in qof kasta is weydiiyo,lagama aamusi karo indhahana lagama qarsan karo wadanigii sooyaalka taariikhda ogaa ama akhriyey ciil iyo muraaradilaac bay u tahay oo meel la hoganayaa da’yarta mustaqbal koodii la dhumiyey(40 jir ilaa 20 jir,waxaad moodaa laxdhukani abaar moog,wax la soo maray iyo wax dhumay iyo xaalada dalka iyo dadku ku sugan yihiin kuwo aan qaymayn Karin bay u muuwdaan, waa bulshada inta u badan una firfircoon oo la rabay in ay noqdaan matoorkii ama mashiinkii dhaqaajin lahaa dalka iyo dadka waxaa lagu mashquuliyey tahriib, qabyaalad iyo in ay baraha bulshada isku caayaan ayyaga oo hubka ay isku weerarayaan yahay qabyaalad iyo goboleysi qaybta labaad oo loo baxsan lahaa waa culumadii diinta xambaarsaneyd oo dadka xumaha iyo samaha u kala sheegi jirey waa daneystayaal dhaqaale raadinti xeelad kasta u isticmaala,waxay shacbiga ku dhacaan ganacsi, xawilaado,dhalinyarada dhiigooda oo ay ka beecmushtaraan iyo kuwo waxa Maamul goboleedyada loogu yeero kala taageersan Kuna kala nool bal in dareenku naga wada dhamaaday aan isweydiino su,aashaan.

Dalkayaga Soomaaliya yaa xukuma oo taladiisu ka go’daa?

1-Ma aqalka sare bay ka go’daa?

2-Golaha shacbiga baa go,aanka kama denbeystaa leh?

3-Ma madaxtooyada baa looga denbaynayaa?

4-Ma garsoorka qabyada ah ee in la dhamesytiro aan loogu talagelin baa loo deynayaa?

5-Ma maamul goboleeyada baa iska leh gobo’da u denbaysa go’aanqaadashada?

6-Ma beesha caalamka bay ka go,daa talada dalka Soomaaliya?

7-Odayaasha dhaqanka talada ha ka saarina ee beeshiisa inta shiriya leh tilaabo baan qaadaynaa haddii aan saas la yeelin.

8-Talada ha ka saarin shaqsiyaadka mucaaradka ah oo leh Guluf dagaal baan rideynaa haddii aan la yeelin waxa aan rabno.

Jawaabta su’aalahaan waxaan u deynayaa akhristayaasha,laakiin aan u gudbo maanta hadal haynta ugu badan baraha bulshada,waa wararka ka soo yeeray Mudane Kusimaha Simaha Reysulwasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (KHADAR) oo yiri beesha caalamku arimahayaga daakhiligaa iyo hawlaha u gaarka ah hayadahayaga dastuuriga  faraha ha kala baxdo oo yeey fargelin.

Anigu waxaan ka iri Xayaakumulaah!!!

Waa tan labaade Mudane Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo codsaday in arimaha daakhiligaa ee dalka hadda ka socda beesha caalamku  soo fargeliso si deg deg ah.

Tana waxaan leeyahay SUBXAAN ALLAAAH!!!

Waxaan ku soo gabagabeeynayaa su’aalahaan iyo kuwo kalaba waxaa keenay FEDERAAALKA SIRGAXAN ,waxaana soo socota isuma talin kartaan ee waa laydiin talinayaa siddii awalba nala kaga dhaadhiciyey isma aamini kartaan ee qaata federal qabyaaladeysan iyo madaxweynayaal, dawlado,iyo baarlamaano aan isxukumin oo mid walba leeyahay hay,ado isku dheelitiran.

Ugu denbayn dhalinyarada iyo culumadu horseed ha u noqdeen in ay ina badbaadiyaan oo shacbigu banaanka u soo baxaan in aan ka dagaalano siriqda cadawgu noo qoolay ee Federaalka Sirgaxan si aanu u yeelano dawlad awood leh oo ina hoggaamisa,bal eega maanta waxa laysku haysto,DADKA AAN FURSAD SIINO AY CODKOODA KU DHIIBTAAN OO HOGGAANKOODA DOORTAAN IYO MAYA ANNAGAA WAX U DOOREYNA.Ma xornimo iyo gumeysi baa wax lays barbardhigaa?Maxaa diiday in magaalo kasta iyo tuulo kasta banaanka u soo baxdo ee muujiso in ay xaq u leeyihiin in ay madaxdooda doortaan?Dhammaan su,aalahaas u qaata shaqo Guri(homem work).

Wa bilaahi Towfiiq Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.