Kulanka labada madaxweyne oo la sheegay in uu ahaa mid rasmi ah ama horrey u qorsheesnaa ayaa waxaa ku wehlinayey madaxweynaha maanta markii afaraad la caleema saaray Ismaacil Cumar Geelle iyo hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya, xildhibaan Aadan Barre Ducaale.
Si rasmi ah looma oga wax yaabaha kulankaas looga hadlay basle madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynihii horre Shariif Sheekh Axmed waa ay is sallaameen, waxaana suurta-gal ah inay fursad isu hellaan, inta ay joogaan Jabuuti.
Kulanka labada nin ayaa yimid iyadoo ay ka mid ahaayeen madaxdii lagu casuumay xafladdii caleema saarka ee madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Si kastaba, madaxweynihii horre ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa Jimcaha gaaray magaalada Jabuuti, si uu uga qeybgalo caleema saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle.
Leave a Reply