Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jahmuuriyadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddiga Baarista Dhacdada 10/08/2020 ka Dhacday Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.
1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaaladda Guddoomiye
2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xubin
3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) Taliyaha Ciidanka Booliska Xubin
4- S/Guuto Mahad C/raxmaan AadanTaliyaha Ciidanka Asluubta Xubin
5- S/Guuto C/llaahi Buulle KameeyXeer-ilaaliyaha Guud ee
Maxkamadda Ciidamada Xubin
6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D.)Xubin
Xilka iyo Waajibaadka Guddiga:
1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.
2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.
3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan.
4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.
5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.
Leave a Reply