Taliska Ciidanka Asluubta oo Shaaciyey Qasaarihii ka dhashay weerarkii Xabsiga Dhexe

asluub

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxay Shaaciyeen Tirada Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen Maxaabiis iyo Askar ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaliyeed.

Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga dhexe ayaa sheegay in 15-ka maxaabiis ah ay ku geeriyoodeen weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsi dhexe iyadoo sidoo kale afar askari oo ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen.

Gashanle Cabdiqani ayaa sidoo kale sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa iyo todobo ruux oo ka mid maxaabiista iyo halka askari ka tirsan ciidanka Asluubta.

“Waxaa ku geeriyooday shan iyo toban ka mid ah maxaabiistii xabsiga dhexe iyo askar ka tirsan ciidanka Asluubta waxaana socdo baaritaanno dheeraad oo ku salaysan dhacdadaasi waana la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed waxa soo kordho ayuu yiri Gashaanle Cabdiqani Maxamed qalaf.

Afhayeenka ciidanka Asluubta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hada ay xaalada caadi tahay isla markaana ay socdaan wali baaritaanno la xririiri sida ay ku suura gashay inay maxaabiista ay helaan hub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.