Wararka ka imaanaya Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax miino oo nooca dhulka la geligay ah uu ka dhacay maqaayad ku taala Suuqa kaboolayda ee Degmada Beledxaawo.
Qaraxaa ka dhacay Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxuu gaystay Qasaaro Dhimasho Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday 2 qof, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen iyada oo isgaarsiinta degmada hawada laga saaray.
Shalay bay ahayd markii kolonyo gadiid ah oo ay la socdeen wasiiro uu ka mid yahay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Goodax Bare uu qarax kula kacay inta u dhaxaysa Baladxaawo iyo Doolow kaas oo sababay Dhaawac soo gaaray Xildhibaano iyo askartii galbinaysay waftiga wasiirka waxbarahada Soomaaliya.
Leave a Reply