Taliyaha ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Aadan Xuseen Kulmiye ka dib dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday xabsiga oo hadda baaritaankeedu socdo.
Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Jeneraal Daahir Aadan Cabdulle inuu sii wado shaqada Xabsiga Dhexe.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha ciidanka Asluubta shaqada si KMG looga joojiyay taliyihii xabsiga
Leave a Reply