Madaxweyne Ku-xigeenka Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada Jubbaland .
Kulankan waxaa ka qaybgalay xubnaha golaha Xukuumada ee katirsan golaha amniga, lataliyayaasha dhanka Amniga DG Jubbaland iyo Taliyayaasha Ciidamada iyadoo diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay Xanuunka Haya Madaxwaynaha Jubaland Axmed madoobe kaasoo ku xanuunsan Magaalada Nairobi waxayna ilaahay uga Baryeen inuu xanuunka ka qaado.
waxaa kaloo kulanka Golaha Amniga Jubbaland looga hadlay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab.
Dhankakale kulankaan ayaa looga hadlay faragalinta ay dowlada ku hayso Gobolka gedo iyo Qaraxyadii ka dhacay Dhawaan.
Leave a Reply