Magaalada London ee Caasumada Dalka Uk waxaa ka dhacay Kulan Balaaran oo soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Jubbaland oo lagu Cambaareynayo Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Jaaliyada Jubaland ee UK ayaa taageeray shirka uu iclaamiyay ugaaska mid ka mid ah beelaha degga Maamulka Jubaland gaar ahaan gobolka Gado.
Kulankaan oo kasoo qayb gaaleen Waxagarad, Aqoonyahano Ugaas, Nabadoono, Dhalinyaro, Siyaasiyiin iyo Haween ayaa marka hore lagu cambaareeyey hadalkii kasoo yeeray Axmed Madoobe ee ahaa in Ciidamada Dowlada laga saaro Gobolka Gedo, waxaa kaloo kulankaan dhaleeyceyn loogu jeediyey Madaxwaynaha Puntland oo u quuri waayey guushay Gaareen ardayda kasoo Jeeda koonfurta gaar ahaan Jubbaland.
Dhanka kale Jaaliyada ayaa soo dhoweeyay Imtixaanka ay qaaday Dowlada Soomaaliya.
Leave a Reply