Daawo:Xasan Shiiq oo Mooshin lagu ridaayo Qoorqoor iyo Gacal Dhuusamareeb ka bilaabay

xasanshiiq

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Galmudug ayaa waxaa ka socdo olole mooshin ah oo ka dhan ah madaxda Galmudug.

Mooshinkaan waxaa wado xisbiga Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Shiikh Maxamuud ee UPD.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Qoor-Qoor iyo gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ka war helay mooshinkaan waxana ay sameeyeen iska cabin xog leh.

Xisbiga UPD ayaa xilka gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug waxa ay u rabaan nin isku Cid yihiin Gudoomiye Barlamaankaka Galmudug.

Madaxtooyada Galmudug iyo gudoonka baarlamaanka ayaana wada kulmo gooni gooni ah oo loga hadlaayo xaalada cusub ee soo korortay

Xil. Abdinaasir aadan Cusmaan oo lagu eedeyey inuu la shaqeynayo Xasan Shiiq iyo xisbigiisa ayaa sidaan yiri “waxii ka dhacay Baarlamaanka Galmudug maaheyn wax la qaadan karo oo sharci ah, waxaan Gudoomiye Gacal leeyahay Baarlamaanka Galmudug ku hag Dastuurka oo jooji sida aad wax kuwado.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.