Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay kulan la qaatay Gudoonka Barlamaanka Soomaaliyab ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay xilka Ra’iisul Wasaaraha ee uu u Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaare Roobe ayaa marka hore waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee dalka Soomaaliya ee loo magacaabay, uuna aqbalay xilkaas.
Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidaas daraadeed, waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga.
Leave a Reply