Dagaal yahano ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ayaa saakay xili hore weerar ku qaaday xeryo ciidamada Kenya ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Degmada Afmadow iyo Qooqaani.
Dagaalka ayaa ku bilawday bombaanooyiin waxaana ka qaybgalay Gaadiidka Ciidamada shabaab ayaa adeegsadeen hoobiyaal ay ku tuureen xerada iyo Askarta kenya oo ugu jawaabay hubka noocyadiisa kala duwan
Ciidamada Kenya waxaa Afmadow la jooga Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, waxaana isu dhaw saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka Degmadaas, halka Qooqaani sidaas oo kale isla degen yihiin.
Al-Shabaab iyo Ciidamada Keny ma aysan sheegin khasaare kala gaaray, wararka qaarbayaa sheegaya inuu jiro qasaaro isugu jira dhismasho iyo dhawaac oo soo gaaray labada Dhinac.
Leave a Reply