Madaxweynaha ku meel gaaraka ah ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay Guudmiyihii gobolka Gedo ee Garabkiisa inuu Kismaayo Meraysanyo sidii Falistiiniyiintii oo kale.
Axmed Madoobe oo ka hadlaayey qilaafka isaga iyo Dowlada ayaa sheegay in loo baahan yahay in kahoraysa Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah in xal laga gaaro Arimaha u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arinta Gedo wuxuu intaas ku daray in iyadoo ayna Gobolka tagin Maamulka Gobolka, Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland Cabdirishiid janaan, Dowlada Federaalka ahna aanay Ciidamadeeda kala bixin Gobolka ayna dhici karin Doorashada Xildhibaanada qaybta loo asteeyay Magaalada Garbogaareey.
Leave a Reply