Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka dalka ee dalka Kenya.
Xasan Cali Khayre ayaa Bortiisa Facebooga waxuu kusoo qoray Qoraal uu kaga hadlayo kualanka dhexmaray isaga iyo Xildhibaanada Soomaalida Kenya waxay u qornayd sidaanhoos ku qoran.
“”Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin. Horay waxaan wadatashiyo dhaxal gal ah ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee aan caasimadda dalka kula kulmay iyo madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna””
Leave a Reply