Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad C/raxmaan Aadan ayaa u kuurgelayay halka ay marayaan dhismayaal ka socda taliska guud iyo sida ay uga howlgalaan ciidanka Asluubta ee sugaya amniga xarunta ayuu warbixin kaga dhageystay qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Asluubta.
taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa ku amaanay ciidanka shaqada ay hayaan, isagoo sidoo kalena ku amray in la adkeeyo ammaanka xabsiyada si looga hortago fal dambiyeedyo ka dhaca.
Taliska Ciidanka Asluubta soomaaliyeed ayaa wada dadaallo dib u habeyn iyo balaarin loogu sameynayo xabsiyda dalka.
Leave a Reply