Madaxwaynaha Puntland oo ka warbixiyey safarkii uu ku tagay Imaaradka iyo Kenya

deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Garoowe kadib safar uu ku tagay dalalka Kenya iyo Imaaradka.

Madaxweyne Deni waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-Xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda , Saraakiisha Ciidamada , Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Garoowe.

Madaxweyne Deni oo fagaaraha Barxada kula hadlay dadweynaha, wuxuu uga mahadceliyay soo dhoweynta , Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada In Dowladda Puntland Shacabkeedu ay mar walbo door muhim ah ka qaadanayaan dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.