Fanaanadii Qaranka soomaliyed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo geeriyootay

baxsan

Allaha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii Qaranka Soomaliyeed Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed taas oo mudo ku xanunsanaysan Muqdisho.

 Saynab waxay heesaysay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, waxaana Riwaayaddii ugu horraysay ee wax ka jisho ay ahayd Alla Aamin Ma Iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.

Fanaanadda oo qaadday heeso badan oo Jacayl iyo wadani leh ayaa ka mid ahayd fanaaniintii ugu horreeyey ee lagu aas aaso kooxdii Waaberi, waxaana ay qayb ka ahayd riwaayado badan oo si wayn bulshada Soomaaliyeed ugu dhex faafay.

Waqtigii burburka Saynab Xaaji Cali Baxsan inta badan waxay ku noolayd Muqdisho, marka laga reebo Jabuuti iyo Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday, waxaana ay dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ahayd dhul yaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.