Guddoomiyaha deegaanka Gadoon ee gobalka Galgaduud ayaa ka warbixiyay heshiis laga gaaray dilal qabiil oo dhowaan ka dhacay deegaankaasi.
Guddoomiyaha deegaanka Gadoon Cabdi Axmed Yuusuf ayaa caawa sheegay in waxa laga heshiiyay ay yihiin dilal ku saleysan aanooyin qabiil oo dhowaan ka dhacay halkaa.
Wuxuu sheegay in ay gacanta ku soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilalkii ka dhacay oo Gadoon kuwaasoo xukun dil ah lagu fuliyay
Seddex nin ayuuna sheegay guddoomiyaha kuwaasoo ah dil sugayaal.
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaca ayaa sheegay in ay dhiiragalin doonaan kor u qaadista Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ka dib markii Magaalada Dhuusmareeb lagu qabtay bandhiga Hidaha iyo Dhaqanka.
Ahlu Sunna waxa ay sheegtay in kaalin muuqata ay ka qaadan doonaan soo noolaynta Dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana ay hergalin doonaan Xaruumo lagu soo bandhigo dhaqanka.
Hadalkan ayaa yimid Markii Magaalada Dhuusmareeb Haweenka ku nool ay ku soo bandhigeen agab badan oo ku saabsan Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed
Leave a Reply