Abiy Axmed oo Soomaliya iyo Eretria uga mahadceliyey Garab istaaga ay umuujiyeen

abiyaxmed

Ra’iisal Wasaraha Ethiopia Abi Axmed oo tan iyo intuu bilowday dagaalka kala dhexeeyey Deegaanka tigreyda si joogtaha Saxaafada uga hadlaayey ayaa waxuu u mahadceshay Saxiibadiisa Geeska Afrika, waxaa kaloo ka hadlay walwalka laga qabo in Itoobiya Burburto.

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abi Axmed Qoraal usoo dhigay Barihiisa Social Media ayaa waxuu u qornaa Sidaan.

“Ethiopia mahadinaysaa saaxiibadeeda u muujiyay dareenkooda sida Jabuuti, Eretria iyo soomaaliya ,hawlgalka socda sharciga ayaa loogu talagalay in loogu damaanad qaado nabadda iyo xasilloonida, iyadoo sharciga la hor keenayo kuwa ku kacay xasillooni darrada””Welwelka laga qabo in Itoobiya ay ku dhacdo fowdo waa mid aan sal lahayn oo aan si qotto dheer loo fahmin macnaha guud. Anaga oo ah dawlad madaxbanaan oo awood u leh inay maamusho arrimaheeda gudaha, hawlgalka socdaa wuxuu si dhakhso leh u soo afjarayaa isla xisaabtan la’aanta jirta”

Dowlada Eretria ayaa Ciidamo tira badan waxay gaysay Xuduuda ay la leedahay Ismaamulka Tigreyda waxayna sheegeen inay taageerayaan hawlgalka ay wadaan ciidamada Itoobiya.

Dowlada Jabuuti ayaa dalkeeda ka qabatay Saraakiil Tigrey ah waxaana gacanta loo gayshay Dowlada Itoobiya.

Deegaanka soomalida ayaa laga qaatay Ciidamo badan oo Liyuu boliis ah kuwaas hada ka dagaalamaya Ismaamulka Tigreyga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.