Ra’iisalwasaare kuxigeenka oo sheegay inay kalsooni daro ka muuqato Musharaxaxiinta Madaxwaynaha

mahdi

 Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxuu ka hadlay qoraal ay soo saareen qaar kamida musharaxiinta Madaxwaynaha Soomaaliya oo ay ku diidan yihiin Gudiga doorashada ee ay magacowday Dowlada Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay Ra’iisalwasaare kuxigeenka bartiisa Facebooga ayaa sidaan u qornayd.

Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murashaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2020/21.

Qoraalkaas oo lagu duraayo Guddiyada Doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab.Waxa aan garan waayay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya.

Miyaanu arrinku ahayn “Hal” diiddani geed ay ku xoqoto ma waydo? Mise waa hawraartii Soomaaliyeed ee marka “Geela” loo heeso uu raggu “Gorayada” u heesi jiray?“Wallee ina ragow talo adduun, taada uun ma’ aha”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.