Bananbax looga soo horjeedo TPLF oo ka dhacay Qabridahare

jigjigaqabridahare

Boqolaal muwaadiniin ah oo kunool Magaalada Qabridahar Ee Xarunta Gobolka Qoraxey ayaa isagu Soo baxay si ay taageero u muujiyaan Dawlada fadaralkaislamarkaasina ucanbaareeyaan falalkii wuxuushnimada ahaa Ee ay kukaceen budhcada TPLF.

Shacabka ayaa watay Boodhadh ay kuqornaayeen halku dhagyo ay kamid yihiin:-

waxaan taageersanahay hawlgalada lagu sugayo saraynta Sharciga iyo Tastuurka, -Waxaan codsanaynaa in sharciga naloo horkeeno kooxda TPLF iyo Saraakiishii Tacadiyada ugaystay Shacabka DDS.

Qaybaha kala duwan Ee shacabka banaan baxani samaynayay oo SRTV lahadlay ayaa yidhi “Waan soodhawaynaynaa talaabada ay xukuumada fadaralku kaqaadayso Budhcada iyo saraakiisha TPLF Junta, waxaanuna dawlada fadaraalka kacodsanaynaa in ay sharciga noohor keenaan xubnihii kooda qawlasatada TPLF Ee Habood falada Arxandarada ah kagaystay Gudaha Deegaanka Soomaalida”.

Socdaal ay shacabku kumareen qaar kamida wadooyinka magaalada Qabridahar kadib waxaa la,iskugu yimid Fagaaraha Magaalada halkaasi oo ay khudbado kasoo jeediyeen masuuliyiin ay kamid ahaayeen wasirka Xafiiska Biyaha DDS Mudane C/raxman Axmed Xasan Wasirka Waxbarashada DDS Mudane Maxamed Faatax Maxamed, Wasirka Tamarta, Macdanta, iyo Shidaalka DDS Mudane Cabdi Nuur, Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey Mudane Fu,aad Yuusuf, iyo Maayorka Maamulka Magaalada Qabridhar Mudane Cabdi Cawil.

Kooxda Budhada Ah Ee TPLF ayaa 27kii sanno Ee ay hayeen talada wadanka Ayay Xusuuqyo arxandaro ah oon loo meeldayin kuhayay Shacabka Deegaanka Soomaalida, kuwaasi oo xasuus mahadho ah kureebay Qalbiyada Shacabka, taasina waa sababta kadanbaysa Mudaharaadyadani Nabadeed Ee ay shacabku kudalbanayaan in sharciga loo horkeeno saraaakiishii TPLF Ee tacadiyada kadhanka xuquuqda aadanaha ugaystay shacabka Rayidka ah.

Xigasho SRTV

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.