Maamulka Tigrinya ayaa xalay Gantaalo ayaa laga soo tuuray caasimadda dalka Eritrea, ee Asmara sida ay sheegeen warbaahinta dalka Eritrea.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli wax yar ka dib ay Xoogagga TPLF ku hanjabeen in ay weerari doonaa Dalkaasi Eritrea.
Dagaalka lagu hoobtay ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo xoogagga kacdoonka ka wada waqooyiga gobolka Tigray ayaa hada u muuqda mid ku sii siqaya xuduudaha caalamiga.
Gantaaladan qaarkood ayaa ku dhacay xarunta Wasaarradda Warfaafinta iyo Garoonka diyaaradaha dalkaasi Eritrea lamana sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay.
Ugu yaraan saddex gantaal ayaa lagu dhuftay Asmara fiidnimadii Sabtida, sidaasi waxaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters shan diblomaasi oo ku sugan Gudaha Dalkaasi Eritrea.
Leave a Reply