Yuusuf Dabageed oo Baladwayne kulan kula qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabele

Dabageed

Madaxweyne Ku xigeenka dowlad gobaleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulan kula qaatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & ku xigeenkiisa koowaad.

Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay dardargalinta Horumarinta dowlad Gobaleedka Hirshabeelle iyo in si hufan loogu Shaqeeyo Shacabka ku nool degaannada  Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay inay horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo halkaasi tegaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.