Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre oo xalay casho sharaf u sameeyay in ka badan 60 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashada iyo dib-u-dhiskii Galmudug iyo sida loo sii horumarin karo.
Xildhibaannada oo aad ugu dheeraaday ka sheekeynta dowrkii Xasan Khayre ee dib-u-dhiska Galmudug ayaa uga mahad celiyay kartida iyo adkeysiga uu muujiyay intii uu ku guda jiray dadaallada ka mira dhalinta qorshaha dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay oo ka qeyb qaadata horumarka dalka.
Xasan Cali Khayre ayaa xildhibaannada kula dardaarmay in qeybta uga aadan ay ka qaataan dib-u-dhiska guud ahaan iyo inay ka shaqeeyaan hannaan doorashada dalka ka dheceysa ayan saameyn xun ugu yeelan dowlad gobaleedka Galmudug.
Leave a Reply