Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay caasimada soomaaliya ee Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Wafiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diiran ugu soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan labada gole DGM, maamulka caasimadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
QoorQoor ayaa Safar qaatay mudo badan waxuu ku joogay magaalada Muqdisho waxuuna halkaas kula kulmay Musharaxiinta madaxwaynaha Soomaliya iyo Beesha caalamka.
Leave a Reply