Deni oo kala Garan Waayey Tukaraq iyo Garbahaaray

deni

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeybgaleen Dowladda Federaalka ah, Dowladdaha xubnaha ka ah iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadaljeedintiisa kaga hadlay arrimaha doorashada waxuuna ku baaqay in la isugu yimaado Shir deg deg ah, si loo xaliyo tabashooyinka la xiriira Doorashada.

Madaxwayne Deni intuu oran lahaa Ciidamada Soomaliland ee xooga ku haysta Tukaraq iyo laascaanod halaga saaro ayuu Badalkeeda wuxuuna ku baaqay in Ciidamada laga saaro Garbahaarey.

Dhanka kale Deni ayaa ku baaqay in Wax laga qabto tabashada ka jirta Guddiga Doorashada ee Somaliland, lagana talagaliyey dhammaan siyaasiyiinta Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Arrinta Shidaalka Soomaaliya, Puntland waxay ku baaqday inaan lagu degdegin illaa sharciyan looga heshiinayo. Puntland waxay soo jeedisay in dib-u-eegista Dastuurka laga wada xaajoodo doorashada kadib, si loogu helo wakhti ku filan oo looga baaraandago.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.