Warar Dheeraad ah oo laga helayo Ragii ka dambeeyey Dilka saraakiisha Xooga dalka

Cabdishakuur

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa Dil loo gaystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga dalka soomaliyeed oo tiradooda tahay 8 Sarkaal kuwaas oo Tababar kusoo dhameystay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Saraakiishaan Weerarka lagu Laayey ayaa ka mid ahaa Cutubyo Saraakiil ah oo tababar ugu soo dhamaday Dugsiga Harqaboobe ee Magaalada Guriceel waxaana Weerarka loogu gaystay Goob aan kasii fogayn Magaalada Guricel, Saraakiishaan ayaa kusii jeeday Degmada balanbale ee Gobolka Galagaduud.

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalada guriceel ee anu helayno ayaa sheegaya raga weerarka gaystay in laga abaabulay Magaalada Guriceel waxaana dhaqaalo ku baxshay dilka Saraakiisha xooga dalka Xildhibaan Mahad Salaad iyo Gudoomiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan cabdi shakuur.

Xildhibaan Mahad Salaad , Gudoomiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan cabdi shakuur Siyaasiyiin kusugan ayaa Galmudug kawada sidii dagaal uga dhici lahaa si loo carqaladeeyo arimaha doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.