Jaaliyada GAl-jubba UK oo Tacsi iyo Baaq Nabadeed kasoo saartay Dilkii Saraakiisha Xooga Dalka

bashiir

Jaalliyadda Gal – Jubba ee Wadanka UK waxay Tacsi u direysaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka iyadoo uga tacsiyeynaysa falkii waxashnimada ahaa ee loo geystay Saraakiishii qaybta 21 aad ee Xooga Dalka Soomaliyeed.

Sidoo kale Jaalliyaddu waxay si khaas ah tacsi ugu direysaa Qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen Saraakiishii xasuuqa loo geystay waxayna Allaah uga baryeysaa inuu dhamaantood u naxariisto samir iyo iimaan buuxana ka siiyo qoysaskoodii, eheladii, asxaabtii iyo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxaan baaq nabadeed u direynaa hogaanka dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Waqooyiga Galgaduud inay falkaa foosha xun uga dambeeyaan Maamulka Gal- Mudug iyo Dowlada dhexe ee Soomaaliya kana shaqeeyaan nabadda iyo Xasiloonidda Deegaankooda iyo guud ahaan kan Soomaaliya oo dhan.

Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Gal – Jubba UK

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.