Casharka laga Baran Karo Banaanbixii Muqdisho kadhacay 15/12/2020

xasanshiiq

Dhacdo kasta waxay huwan tahay micnaheeda u gaarka ah ayadaana is fasirta,aan dib u milicsano taariikhda intii ka denbeysay 8dii Febaraayo 2016 doorashadii mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed( Farmaajo);-

1-Markiiba waxaa la dhiibey Cabdikariin Muuse (qalbidhagax),farsamo heer sare ah oo qaadatay mudo 24 saaca mib Gaalkacyo ilaa Baydhabo oo Taliskii Tigreeda iyo dabadhilifyadii ay gudaha ku abuurtreen ka wada shaqeeyeen,isla markaasna aan annigu aaminsanahay in asaga laftiisu hawshaas qayb ka ahaa,markaan daraasad ku sameeyo sida wax u dhaceen.

2- Bal sidoo kale ila eega labadii sano ee u horeysay doorashadii Farmaajo sida is dabajooga ahayd oo hirar mooshinaa loo abaabulayey oo Mudane Farmaajo kursiga looga tuuro.

3-Sanad iyo sideedii bilood ee aan soo dhaafnay waxaa si is debajoog ah loogu hawlanaa kicin dadweyne oo mar kasta fashilmeysay dadka Soomaaliyeedna laga gadiwaayey.

4-Maantay oo ah 15/12/20,waxaa dhacay dad yar oo beel ahaan loo abaabuley,qaarna la hubeeyey in la yiri wax bilaaba,laakiin magaaladu uga jawaabtay dhega adayg, ayyada oo loo arkaayey dhagar shisheeye iyo kuwo u shaqeeyaa soo abaabuleen.

5-Waxaan dhammaamteen ka dheregsanahay intaas oo mu.aamaraad ah maalin kasta halka laga soo abaabuleyey in ay ahayd Neyroobi oo dawlado Carbeed iyo keenya ka dhigteen Saldhig laga dumiyo Soomaaliya,loogana soo duulo.

6-Xisaabta ku darsada marka laga soo bilaabo 1978kii in ay caado noo noqtay qofkii dantiisa gaarka ah ka waaya dalka Soomaaliya in uu yiraahdo yaa dalka iyo dadka Soomaalida Cadaw ku ah oo aad dantaada kali karta ayyagana aad u daneysaa(U JAAJUUSTAA).

7-Waxaa marqaati ka dhiganayaa qormadaydaan in Muuse Biixi u orday Keenya markii uu ogaaday in Soomaaliya ay xiriirkii u jartay,kaaga siidarane waxaa kulankii xalay ay yeesheen Muuse iyo Uhuuru ka soo dhex muuqday mid ka mid ah 12kii musharax madaxweyne ee baryahaan ku shirshanaa Hoteel Jasiira.

Haddaba aan soo gabagabeeyo shirkii Musharaxiinta ee hotel Jasiira wuxuu dhalay banaanbixii Muqdishow ee maanta,waase yaabe maxaa ku soo aadiyey ayyada oo xalay saqdii dhexe Dawlada Soomaaliya dhammaan xiriirkii Dibolomaasiyadeed u jartay Keenya sow uma eka (DIBIGA INA NAASA ADAG IYO LABADA WEER MAXAA KULMIYEY)? Waxaan uga goleeyahay Soomaaliyeey cadawga duulaanka nagu ah dalka ma ka difaacanaa?

Labadaan su,aalood ee is barkan jawaabta waxaan u daynaa, dadweynaha Soomaaliyeed, culumada, dhalinyarada iyo qalinleeyda Soomaaliyeed xil gaara baa saran sida ay uga falceliyaan dhacdooyinka aan kor ku xusay oo dhammaan loola jeedo in aan gacmahayaga isku gawracno sidii 1991kii, si gaara dadkayaga reer Muqdishow mar haddii intaas cashar noogu filan tahay,waxaana ka digayaa dal kasta wuxuu leeyahay saaxiib iyo cadaw kuwa aan saaxiibka la nahay yaan naloo tusin in ay cadawgayaga la mid yihiin (LIBAAX NIN GANAY IYO NIN GALADAY KALA OG).

Fadlan sheergaree haday ku soo gaarto.

WABILAAHI TOWFIIQ,

DHIBLAAWE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.