Degmada Dooloow gobolka Gedo ayaa maanta waxaa gaaray Diyaarado wada ciidamo ka tirsan kuwa Xooga Dalka Soomaaliyeed waxayna uga sii Gudbeed dhinaca Degmada baladxaawo.
Ciidamadaan maanta gaaray Degmada Doolow ayaa la filayaa ineey ku biiraan ciidamo horay u joogay gobolka Gedo kuwaasi oo sugaayay Ammaanka guud ee dalka gaar ahaana gobolka Gedo.
Tagintaanka ciidankaan ayaa kusoo beegmeeysa xili ay cirka isku sii shareertay goolaaftanka siyaasadeed ee Soamaalia iyo Kenya oo in dhaweeydba waday daandaansi iyo faragalin siyaasadeed oo ka dhan ah madax-banaanida Qaranka Soomaaliyeed.
Leave a Reply