Wasiir Bayle oo kulan la qaatay wasiirka maaliyada Dalka Turkiga

bayle

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la kulmay dhigiisa turkiga lütfi elvan, ayaa waxaa kulanka diirada lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale ee labada dal.

Wasiir Bayle ayaa sheegay inay kawada hadleen isbadalka iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka, sidii hore loogu sii wada lahaa iyo taageerada maaliyadeed oo ay  dowladda turkiga siiso Soomaaliya.

“wasiir beyle ayaa kulanka kadib yiri “sharaf ayay ii tahay in aan  la kulmay  Mr lütfi_elvan oo ah wasiirka maaliyadda dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga”

“Turkey oo si hagar la’aan ah inoo garab istaagtay, wasiir #lütfi waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo dib-u-habeynta maaliyadda dalka, sidii hore loogu sii wada lahaa iyo taageerada maaliyadeed ee dowladda turkiga”

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa turkiga ku amaanay kaalinta ay ka qaadanayaan  dib u soo kabashada guud ahaan dalkeyna Soomaaliya u uku jiro.

Sidoo kale wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducale Bayle ayaa sheegay in Turkiga uu qeyb weyn ka qaatay hormarka dalka gaara ahaan tababarada ciidamada qalabka sida, caafimaadka iyo sidoo kale adeegyada dadweynaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.